Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo iscasilay.

Baydhabo-Madaxweynaha maamulka koofur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Goordhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay madaxweynahu inuu ka tanaasulay inuu u tartamo xilka madaxtinimada ee maamulka Koofur Galbeed.

Xasan Maxamed (Ugaas Xasan)  asiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u akhriyay warqada is casilaada ee Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana xilka si KMG ah u haaynaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed .

Sababta uu isku casilay uguna tanaasulay musharaxnimada ay tahay danta Bulshada deegaanada Koonfur Galbeed ayu yiri Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh aadan

Madaxweyne Shariif ayaa warkan waxaa uu ka sheegay kadib markii uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo.

Wasiirka rimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo ee gobalka Bay, isagoona kulamo ka wado gudaha magaaladaasi.

Jahwareerka siyaasadeed oo aan salfadhiya laheyn ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee gobalka Bay.

17 Bishan ayaa lagu wadaa in doorasho ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay, lamana oga sida uu xaalka noqon doono.

 

You must be logged in to post a comment Login