Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Koonfur Afrika Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Safiirkii Soomaaliya Ee Dalkaasi

Madaxweynaha Dowlada Koofur Africa ayaa Tacsi u Diray Dowlada Somalia iyo Shacabkeeda Geeridii Ku Timid Safiirkii Dowlada Somalia u Fadhiyay Dalka South africa Zayid Shariif Oo Shalay Ku Geeriyooday Ispitaal ku yaala Magaalada pretoria ee caasimada dalka koofur africa kadib xanuuno kusoo boobay.

Madaxweynaha dalka koofur africa ayaa sheegay in asaga oo ka wakiil ah dowlada dalkiisa iyo shacabkeeda ay tacsi u dirayaan dowlada somalia ayaga oo ka xun geerida ku timid safiirka dowlada somalia uga wakiilka ahaa dalka koofur africa.

Zuma ayaa sheegay in Sayid shariif uu ahaa safiirkii ugu horeeyay ee dowlada somalia uga mas,uulka noqdo dalka koofur africa waxaana uu xusay in uu xoojiyay xariirka labada dal iyo iskaashiga caalamiga ah ee iminka Ka dhaxeeya Labada Dowladood ,ayaga oo mar walba xasuusan doona inta uu jiro ayuu yiri mr jocob zuma.
Waxaa uu Sido Kale Madaxweynaha Sheegay in Dowlada South africa ay ka Go,an tahay Xoojinta Xariirka Kala Dhaxeeya Dowlada Somalia iyo Shacabkeeda Isla markaana uusan joogsan doonin marnaba.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Dowlada South africa Mr Jocob Zuma ayaa Sheegay In La Qorsheynayo In Dib Loogu Celiyo Meydka Safiir Zayid Shariif Dalkiisa Hooyo Si Halkaa Loogu Sameeyo aas Qaran.

You must be logged in to post a comment Login