Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Sheegay In Ay Shabaab Ka Saareen Gal-Gala

Cialis Black buy online, lioresal online.
Madaxwaynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Goor dhaweyd Shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku xaqiijiyay in Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ay maanta oo ay taariikhdu tahay 1-10-2014 si rasmi ah ula wareegen Fariisimihii Ururka Al-shabaab ee Buuraha Galgala.

”Waxaa sida lawada ogsoonyahay Cadowga Burcad diimeedka ah ee argagixisada Caalamiga ah muddo ku dhuumaalaysanayeen Buuraha Galgala,waxay laa yeen dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan ,ayna ku jiraan birimagaydo oo ay ka mid yihiin Culimo,,Aqoonyahan,Waxgarad,Haween iyo Caruur ”Ayuu yiri Mudane Gaas.

”Waxay dhib iyo Culays Badan ku hayeen shacabka Reer Puntland ee ku nool deeganadaas,waxay barakiciyeen kumanaan qoys oo maato ah,waxay khatar ku hayeen isi socdka Ganacsiga iyo Dadka,waxay is hortaageen horumar kasta oo bulsho ee deegaanada ay ku sugnaayen”Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in Kooxdaasi ay Khatar joogta ah ku ahaayen dadka Soomaaliyeed iyo wadamada dariska ah.

”Hadaba Maanta oo ay taariikhdu 1-10-2014 waxay ciidamada qalabka sida ee Puntland si geesinima leh ugu qaaden Howlgal Ciidan Buuraha Galgala,waxay ciidanku gabi ahaanba la wareegen saldhigii ugu weynaa ee argagixisadaasi,waxay ciidamadu daba joogaan firxadkii Burcad diimeedkaasi Khatarta joogtada ah ku ahaa Nolosha iyo Nabadgelyada Mandiqada oo dhan ”Ayuu yiri Dr Gaas.

”Madaxweynaha maamulkaasi ayaa sheegay in ay jirto dhimasho iyo dhaawac badan oo dhanka Argagixisada ah dibna ay ka soo sheegi doonaan tirada dhabta ah ee dhimashadaasi iyo dhaawaca gaaray argagixisada.

”Waxaan u balan qaadaynaa Shacbiga Puntland iyo Dariskoodaba in aanu ka difaaci doono Cadow kasta oo Khatar galin kara Diintooda,Noloshooda iyo Maalkoodaba ,waxana Cafis ku eg 30-maalmood (Soddon Maalmood) u fidinayaa dhalinyarada lamarin habaabiyay ee sida khaldan loo Fahansiiyay Diinta Islaamka ” ayuu intaa raaciyay

You must be logged in to post a comment Login