Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha maamulka Puntland

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland  Cabdiraxmaan faroole ayaa sheegay in Dowlada Turkiga oo laga dhawrayay in Soomaliya oo idil ay wada sinto ay ku ekaatay oo qura sida uu hadalka u dhigay Magaalada Muqdisho oo ay Mashaariico badan ka fuluneyso ayna jiraan balanqaadyo badan oo ay usameeyeen Puntland balse aysan Fulin balantii ay qaadeen isagoo sheegay in aysan uga xumayn waalalaha Koonfureed waxa turkigu u qabanayo hadiiba wax laga faa’iidato sida uu Madaweynuhu yiri Mar uu ka hadlayay maanta Furitaanka Idaacada Cusub ee (Puntland RADIO).

 C/raxmaan Faroole Taa badalkeed wuxuu u mahadcelshay Dowlada talyaaniga oo uu sheegay in ay Buuxisay oo ay isku darsatay Teedii iyo tii Turkiga aadna ay uga mahadcelinayaan wax yaabihii ay Puntland u qabteen laakiin wuxuu Madaxweynuhu celshay in turkigu ay cududooda isugu geeyeen Magaalada Muqdisho loona baahnaa in ay fuliyaan balanqaadyadii ay Sameeyeen Walow taasi hada laga maarmay sida uu Mdaxweynuhu yiri.

Madaxweyne C/raxmaan ayaa sidoo kale soo hadalqaaday Saxaafada wuxuuna sheegay in Puntland ay ka jiraan 7 idaacadood iyo Tvyo gaar loo leeyahay oo Xarumo ku leh Deegaanada Puntland wuxuu kaloo Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in ay jiraan Websiteyo sita Magacyada Tuulooyinka kuwaasi oo faafiya waxa aan wanaagsanayn dhibaatadana ka shaqeeya inkastoo ay jiraan buu yiri kuwo wanaagsan oo iyagana Websiteyada ka mid ah mana uusan Toos u Carabaabin Madaxweynuhu Cida uu Dhaliilsanyahay.

Si kastaba Kasoo qaybgalka Xafladan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro badan waxay raxan-reeb la wadaageen soo dhaweynta Idaacadan Cusub wax badan ka faa’iidi Doonaan ayna Gudbin doonto Xaqiiqda rasmiga ah ee Puntland ka jirta Sida ay hadalka u dhigeen.

You must be logged in to post a comment Login