Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Madaxweynaha maamulka Somaliland iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Turkiga

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta gaaray magaalada Stanbul ee waddanka Turkey, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Turkey iyo Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka tirsan oo halkaa u sii joogay gogol-xaadhka safarka Madaxweynaha.
Madaxweynaha maamulka Somaliland oo safarkiisani yahay kii ugu horreeyey ee uu ku tago dalka Turkiga, waxa ujeeddadiisa lagu sheegay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed iyo siyaasadeed ee ka dhexeeya Turkey iyo Somaliland.
Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo iyo Weftigiisu u sii gudbi doonaan magaalada Ancara oo uu ka dhici doono kulan uu ka qaybgalayo, isla markaana kulammo kala duwan kula yeelan doono Masuuliyiinta dawladda Turkiga.

You must be logged in to post a comment Login