Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo maanta u ambabaxaya safar degdeg ah

Ilo ku dhowdhow xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud ayaa u sheegay Caasimada Online, in wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda fedaraalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxammuud ay maanta safar shaqo ku tagi doonaan gobalka Hiiraan gaar ahaan degmada Jalalaqsi oo dhawaan Shabaab laga qabsaday.

Wafdiga madaxweynaha ee tagaya gobalka Hiiraan waxaa ka mid ah wasiirka gaashandhigga, Jeneral Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud iyo xubno kale oo ka tirsan labada golle ee xukuumadda.

Ujeedka safarka madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay in ay la xiriirto siddii ay u soo qiimeen lahaayeen xaaladda gobalka gaar ahaan degmada Jalalaqsi oo laga soo sheegayo xaalad bini’aadinimo ah iyo kulamo uu la yeelan doono maamulka gobalka Hiiraan.

Ammaanka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne ayaa aad loo adkeeyay tan iyo shaley sida uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ka tirsan oo gobalka Hiiraan ku sugan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan dhul badan ka qabsaday Al-Shabaab waxaana deegannada qabsaday ku jirra gobalka Hiiraan oo ay ka mid tahay degmada Jalalaqsi.
baclofen without prescription, acquire lioresal.

You must be logged in to post a comment Login