Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo Muungaab amniga dhan gacanta ka saaray

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in talisyada Booliiska iyo Nabadsugida Gobalka Banaadir ay hoostagayaan Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,
Madaxweynaha Wuxuu sheegay in qorshaha talisyada ciidamada ammaanka Dowladda uu yahay mid cad, Talisyada Gobalka Banaadir ay hoostagayaan Maamulka Gobalka oo Duqa Muqdisho masuul ka yahay.

Ujeedka laga leeyahay arintaan ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay isku xirnaanta shacabka iyo Hay’adaha ammaanka si loogu guuleesto sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay masuuliyada Gobalka ee dhanka ammaanka inay saaran tahay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, waxaana uu sheegay in isagana uu kula xisaabtamayo ammaanka Talisyada Hay’adaha ammaanka Dowladda ee Gobalka Hoostaga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyada ammaanka Gobalada dalka Soomaaliya lagula xisaabtamayo Guddoomiyeyaasha Gobalada dalka.

Warkaan ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ka sheegay Magaalada Muqdisho, xilli shalay uu ka qeybgalay Daahfurka Shir looga hadlayo ammaanka dalka oo Muqdisho ka furmay.

You must be logged in to post a comment Login