Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha oo sheegay in la gaaray xilligii loo soo jeesan lahaa horumarinta wadanka

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay waa cusub, oo uu dalku ujeestay dhinaca horumarka iyo dib udhiska, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay iney u wada istaagaan horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadka reer Baraawe shalay kula hadlayay fagaare ku yaala degmadaasi ayaa sheegay in la gaaray xilligii loo soo jeesan lahaa horumarinta wadankeena, wuxuuna xusay iney dhamaatay waqtigii dadkeena lagu qasbi jiray afkaarta qaldan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa u sheegay ummadda Soomaaliyeed iney dhalatay Soomaali cusub kadib markii dalka laga xoreeyay kooxihii hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya.

“Soomaaliya waa cusubaa u baryay, waxaan rabnaa Soomaali cusub inaan abuurno hadda bilawno, dib u dhis, horumarin iyo nolosha qurxinteeda, si an usoo celino cisiga iyo sharafta ay ummaddeena leedahay” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay “Fikir takfiiri ah kuma mashquuleyno iyo mid qabali ah, waxasina waa wadadii shalay aan ku lunnay, dadka reer baraawana waxaan rabnaa in dadkoo dhan ay farriintaasi gaarsiiyaan”.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay dadka reer Baraawe iney gacan ka geystaan sugida amniga, wuxuuna ballan qaaday iney dowladdu dib usoo nooleeyndoonto adeegyadi bulshada oo ay ugu horreeyaan caafimaadka iyo waxbarashada. depakote without prescription, clomid without prescription.

You must be logged in to post a comment Login