Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madaxda EU

Dr Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ee halka cod kaga guuleystay Madaxweynihii ka horeeyay Faroole, ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaatay danjirayaal ka tirsan Dowladaha Reer Galbeedka iyo danjiraha EU-da u fadhiaya magaalada Nairobi, waxaana kulankaasi uu ka qabsoomay dusha sare ee mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee EU Naval Force Somalia ee ay leeyihiin isu tagga wadamada yurubiyaanka.

Dowladaha Reer Yurub waxaa kulalnka u joogay Danjiraha Midowga Yurub u Qaabilsan arimaha Somalia,Safiirka Talyaaniga, Safiirka UK,Safiirka Holland, Safiirka Denmark iyo safiiro kale.

Waxaa si aad ah loo falan qeeyey caqabadaha taagan ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, iyo sidii dhinaca arimaha Bulshada la isaga kaashan lahaa in wax laga qabto.

Waxaa sidoo kale la isku gartay in siyaasad midaysan laga yeesho soo afjaridda iyo la dagaalanka burcad-badeeda, Al-shabaab, kalluumaysiga aan sharciga ahayn iyo wixii la mid ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa Safiirada shirka ka qayb galay usoo bandhigay qorshe howleedka u degsan Dowladdiisa curdunka ah , kaasi oo ay qaban doonaan sanadka ugu horeeya.

Madaxda Dowladda Puntland ayaa shirka ka sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay qaybteeda ka hesho taageerada la siiyo Dowladda Federaalka ah maadama uu dalku ku dhisan yahay nidaam federaal ah.

Safiirada dalalka Reer Yurub ayaa sheegay inay Puntland la garab is taagayaan taageero caalami ah , isla markaana ay heli doonto saamiga ay ku leedahay taakuulaynta ay dawladaha reer Yurub siin doonaan Soomaaliya.

Safiirada Dalalka Reer Yurub waxaa ay ballan qaadeen ina ay dalka Djibouti kusoo taba bari doonaan ciidamada Police-ka Badda, si loo xaqiijiyo amniga xeebta dheer ee Puntland.

Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa labada dhinac ay ka warbixiyeen waxyaalihii ay isla soo qaadeen , iyagoo caddeeyey in si faah-faahsan la isula qaatay in Puntland la tageero.

Waa shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah kaasi oo Madaxda Dowladda Puntland iyo Safiirada Dalalka Reer Yurub ay ku qaataan badda dusheeda, waxayna taasi muujinaysaa in Madaxweyne Gaas iyo xukuumddiisu ay dadaal ugu jiraan sidii Puntland loo horu marin lahaa.

You must be logged in to post a comment Login