Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Somalia amar ku bixiyay in xafiisyada Dowladda aan laga soo saari karin Warqad ku qoran afka qalaad

buy doxycycline online, buy zithromax online. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay xuska maalinta Afka Soomaaliga la qoray oo ku beegan maanta.

Munaasabada lagu weyneynayay 43-guurada ka soo wareegtay qoriska iyo isticmaalka Afka hooyo waxaa kaloo ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo qiimo ugu fadhida bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalinkii ugu horeysay ee uu soo baxo Wargeyska Xidigta Oktoobar oo Afka hooyo ku qoran.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in tahay maalin u baahan in bulshada la fahamsiiyo qiimaha gaarka ah ee ay ummadda u leedahay, isagoo xusay in shacabka looga fadhiyo horumarinta Afka hooyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay maanta oo kale ay shacabka ugu fadhiso qiimo aad u weyn, dowladduna ay dadaal u galeyso sidii shacabka loo bari lahaa muhiimadda maanta oo kale ay u leedahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta aysan xafiisyada dowladda ka soo bixi Karin Warqad ku qoran afka qalaad, si loo horumariyo afka hooyo in waxkasta lagu qoro Af-Soomaali,

You must be logged in to post a comment Login