Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu horkacayo oo caawa ka degay magaalada Doxa ee dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo galabta ka dhoofay Muqdisho ayaa caawa waxaay ka dageen caasimadda dalka Qadar ee Doha.

Safarkan ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliyo Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Aadam oo ah masuulka ugu safarka badan dowladan, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Taliyaha Nabad sugidda Axmed Macallin Fiqi, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Sida ku xusan war saxaafadeed goor dhow ka soo baxay madaxtooyada, Madaxweynaha ayaa wuxuu ka helay casuumaad rasmi ah Amiirka dalka Qadar Sheekh Xamad Bin Khalifah. Wuxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Qadar.

Dowlada ayaa la sheegay iney aheyd dowladii taageerada ugu xoogan ka siisay Madaxweyne Xasan Shiikh xiligii uu ku jiray ololaha doorashada madaxweynaha ee Muqdisho ka dhacday sanadkii hore, iyadoo ku bixidsay lacago fara badan oo malaayiin dollar gaaraya.

You must be logged in to post a comment Login