Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Somalia oo ka baaqday safar uu ku iman lahaa Nairobi sababo la xiriira Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha

Arbaco, December 11, 2013 – Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa ka baaqday booqasho uu ku imaan lahaa magaada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha oo ka qaybgali lahaa dabaal degyada dawlada Kenya ay u samaynayso sannad-guuradii
50-aad ee kasoo wareegatay markii ay Kenya xorriyadeeda qaadatay oo barri la xusi doono ayaa baajiyay booqashadiisa iyadoo ilo ku dhow madaxtooyada ay sheegeen in madaxweynuhu uu ku mashquulsanyahay la tashiyada ku aadan soo xulida Ra’iisul wasaaraha oo la filayo in si degdeg ah loo soo magacaabo.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo u matalaya Soomaaliya ka qaybgalka xuska 50-aad ee xorriyada Kenya ayaa goor dhawayd kasoo dagay magaalada Nairobi.

Madaxweyne Xassan ayaa kulamo la qaatay shalay musharrixiinta u taagan xilka Ra’iisul wasaaraha oo gaaraya 17 musharrax, kuwaasoo intooda badan uu madaxweynuhu la qaatay kulamo gaargaar ah.

Wararka ayaa sheegaya in ay ku jireen musharrixiinta uu la kulmay madaxweynuhu Xuseen Cabdi Xalane iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horay xilal uga soo qabtay dawladihii hore ee Soomaaliya iyo Maxamuud Xaaji Xassan oo kamid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahaanba waday kulamada iyo la tashiyada kala duwan ee uu la yeelanayo qaybaha bulshada Soomaalida iyo murashaxiinta intaba.

You must be logged in to post a comment Login