Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Somaliya oo sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan kuwii soo abaabulay, weerarka Xarunta Turkiga lagu qaaday

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu si weyn uu uga hadlay weerarka ismiidaaminta ah, ee maalinimadii shalay lagu qaaday Xarunta, ay deggan yihiin Shaqaalaha Turkiga ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay Dowladiisu qaadi doonto tallaabo, taasoo uu sheegay inay Cadaalada ku hor keeni doonto, ragga ka soo shaqeeyay weerarkaan.
Madaxweynaha ayaa wuxuu Xoogaga Al Shabaab uu ku eedeeyay inay ka soo horjeedaan ammaanka iyo xasiloonida Magaalada Muqdisho, waana taa buu yiri midda keentay inay geystaan weerarkaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wuxuu sheegay in kooxaha argagaxisada, ay doonayaan inaysan wax nabad ah ka dhalan dalka Soomaaliya, isla-markaana uu dalka ku sii jiro buu yiri marxalad adag.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu xusay in weerarka lagu qaaday Xaruntaan, aysan waxba u dhimi doonin xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Turkey.
Dowladda Turkiga ayaa waxay qaraxaan ku sheegtay fal argagaxisnimo, isla-markaana waxay sheegtay inaysan wax yeelo sidaasi u badan ka soo gaari shaqaalaheeda.

You must be logged in to post a comment Login