Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ban-ki Moon oo shir gudoomiyay kulan looga hadlay Soomaaliya

Magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu qabtay shir gaar ah oo looga hadlaayay arrimaha Soomaaliya, waxaana shirkaasi si wadajir ah u gudoominaayay madaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay gudoomiyaha Midowga Afrika iyo wakiillo ka kala socday Bankiga adduunka iyo wadamada daneeya Soomaaliya.

Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay kulankaasi ayaa ka hadlay wax qabadka iyo hiigsiga dowladda, isagoo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii horumarka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ay ku guuleeysteen in maleeshiyaadka Shabaab 75% laga saaro gobolada bartamaha iyo kofurta dalka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka ay ka socoto shirir dib u heshiisiin ah, isagoo hoosta ka xariiqay in sare loo qaaday hanaanka maaliyadda dalka.

Wasiirka arrimaha dibada mudane C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay xaaladda Soomaaliya, iyo wax qabadka dowladda ee sanadkii tegay.

”Waxaa la isku wada raacay waxaa weeyaan in tallaabooyin badan la soo qaaday, waxaa kaloo la isku raacay in shaqo badani harsantahay in kastoo shaqooyin badan la soo qabtay, waxaa kaloo la isku raacay in beesha caalamku ay gacan siin doonto Soomaaliya, si loo gaaro doorashooyin xalaal ah sanadka 2016-ka” sidaasi waxaa yiri wasiiraka arrimaha dibadda oo ka hadlay waxyaabihii ka soo baxay shirkaasi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa inrtaa raaciyay in Banki Moon iyo gudoomiyaha Midowga Afrika ay ahaayeen kuwa si dhab ah uga shaqeeynaya dib u dhiska iyo horumarka dalka iyo taageeridda dowladda Soomaaliya.

order Viagra Plus online cheap, purchase dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login