Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo R/Wasaare Cabdi Wali ka codsaday in uu garab siiyo (Warbixin)

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ka codsaday in uu garab ku siiyo sidii looga hortagi lahaa mooshinka isaga ka dhanka ah ee diyaarinayaan Xildhibaano kasoo horjeeda.

Xasan Sheekh oo hada Culees siyaasadeed kala kulmaya Xildhibaano kor u dhaafaya boqol Xldhibaan kuwaa oo wada diyaarinta Mooshin isaga looga soo horjeedo ayaa wada dadaalo badan uu ku doonayo in mooshinkaasi lagu baajiyo.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha oo kulan hoose la qaatay R/Wasaaraha ayaa ka codsaday in uu garab kusiiyo sidii looga guuleesan lahaa loona baajin lahaa Xildhibaanada Muqdisho isku aruursaday ee doonaya in ay ridaan Dowlada uu Xasan Sheekh Hogaamiyo.

R/Wasaare Cabdi Wali ayaa Madaxweynaha u balan qaaday in uu garab kusiinayo sidii loo baajin lahaa mooshinkaasi waxa uuna R/Wasaaraha ololaha kahortaga mooshinka ay diyaarinayaan Xildhibaano Diidan Madaxweynaha u xilsaaray dhoor Wasiir oo ku fiican kala fur furka marka ay xaaladaan oo kale yimaadaan kuwaa oo xubin ka ah Baarlamaanka.

Wararka sidoo kale la helayo ayaa sheegaya in R/Wasaare Cabdi Wali Siyaabo kala duwan xafiiskiisa ugula kulmay Xubno Hurmuud u ah Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya looga soo horjeedo kuwaa uu ka codsaday dajinta xiisada kacsan , waxaana dalabkaasi kabiyo diiday Xildhibaanadii uu la kulmay R/Wasaaraha oo dhankooda hor dhigay Dhaliilaha Madaxweynaha.xasan_iyo_rw

Xafiisyada ay Xarunta Madaxtooyada ku leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaataha ayaa hada si weyn looga dareemaya Xiisada Siyaasadeed, waxaana socda kulamo isdaba jog ah oo looga arinsanayaya sida looga hortagi karo Moohinka Madaxwenaha laga diyaarinayo.

Lama saadaalin karo wali sida uu xaalku ku dhamaan doono , xildhibaanada Mooshinka ka wada Xasan Sheekh Madaxweynaha Dalka ayaa shaaciyay in uu dhamaaday xiligii laaluushka ayna diyaar u yihiin in ay ridaan Madaxweynaha, halka Madaxweynaha uu isna wado dadaalo uu ku kala fur furayo Xildhibaanada isaga diidan. cardura without prescription, order Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login