Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne C/weli Gaas oo laga wareystay shirka maalgashiga Afrika

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay shirka maalgashiga Qaarada Afrika oo maanta lagusoo gabagabeynayo magaalada London ee dalka Britian.

Madaxweynaha oo goor dhowayd la hadlayay ayaa sheegay shirkaan in aad looga hadlay sidii loo soo saari lahaa kheyraadka dhulka hoostiisa ku jira . wuxuuna sheegay Afrika inay tahay meesha kaliya ee 60% aan laga faa’idaysan kheyraadkeeda dabiiciga ah.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu inay balanqaaday inay ufududaynayaan cid walba oo doonaysa inay maalgashi ku sameyanayso dhulka Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyay inuu kaligiis Puntland iyo Soomaaliya uga qeybgalay shirkaan islamarkaana uu si guud uga hadlay muhiimada ay leedahay in maalgashi lagu samaysto Soomaaliya oo ku tilmaamay inay tahay wadanka kaliya ee ugu kheyraadka badan Afrika, taas oo leh xeebta ugu dheer Afrika, Macdan, shidaal, dhul beereed ku fadhiya 9 malyan oo hektar iyo xoolaha ugu badan aduunka.

Waxaa kale oo uu sheegay madaxweynuhu inay caalamka u sheegayaan inay Puntland ku taalo marin muhiim ah oo u dhow meel walba oo caalamka sida carabta iyo bariga fog ee Aasiya. Super P-Force buy online, dapoxetine online.

You must be logged in to post a comment Login