Madaxweyne Farmaajo oo la heshiiyay CC Sharmaarke & Wasiirka Arimaha Gudaha oo lagu amray ..

Filed under: Wararka |

Dowlada Soomaaliya ayaa wada qorse ay kaga hortageyso mucaaradka doonaya iney mooshin xilka qaadis ah ka keenaan Madaxweynaa ama Raisul Wasaaraha.

Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Warqaad.com u xaqiijiyay in madaxweyne Farmaajo uu Garoowe kula kulmay madaxweyne C/Weli Gaas si uu ugala qeyb qaato qorshaha looga hortagayo mucaaradka dowlada.

Sidoo kale, waxaa uu kulan gaar ah la qaatay Raa��isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya CUMAR C.Rashiid Cali Sharmaarke, kaas oo ay ka wada hadleen arimaha Carabta iyo sidii loo joojin lahaa qorshaha ay masuulka ka tahay Imaaraadka ee la doonayo in dowlada lagu rido.

Wararka ayaa intaas ku daraya in loo balamay kulamo kale oo ka dhici doona Muqdisho, laakiin uu CC Sharmaarke ogolaaday inuu la hadlo dowlada Madaxweyne Farmaajo si loo yareeyo mucaaradka.

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray wasiirka cusub ee arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye inuu mucaaradka beeshiisa kasoo jeeda ka dhaadhiciyo iney joojiyaan mooshinka ka dhanka ah dowlada.

Waxaa si gaar ah isha loogu hayaa Siyaasiyiinta Xisbiga Daljir kuwaas oo dhibaato weyn ku ah dowlada madaxweyne Farmaajo.

Si kastaba, dadaalada ay dowlada Soomaaliya gaar ahaan madaxweyne Farmaajo uu ugu jiro inuu yareeyo mucaaradka ku kacsan ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada Muqdisho.

Posted by on January 11, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply