Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxwaynaha Maamulka Puntland C//rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ka qayb galay Munaasibad Xogwaraysi ah oo ka dhacday Magaalada Garowe ee xarunta Maamulkasi ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada dalka.
Faroole ayaa dadkii Madasha ku sugnaa Su’aalo ka waydiiyeen arimaha, Federaalka, Xaalada Puntland, Arimaha Jubbooyinka, iyo Nidaamka Federaaliisimka.
Waxaa uu sheegay in ay ku guul daraysteen dadaalkii Puntland ay ku bixisay arimaha Soomaaliya gaar ahaan arimaha Federaalka.
Faroole ayaa si weyn utaageeray dhisitaanka Jubbaland hase ahaatee waxaa uu si caro leh usheegay in si qabiil ahaan ah maamulkaas loo diidan yahay.
Hadalka Faroole ayaa imaanaya xili uusan la dhacsanayn maamulkiisa qaabka dowlada Soomaaliya ay uwajahday Arimaha Jubbooyinka,.
You must be logged in to post a comment Login