Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Siilaanyo ayaa walaac ka muujiyay Damaashaadka Madaxweyne Gaas……

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa walaac xoogan ka muujiyay safarada isdaba jooga ah ee Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu ku bixinayo deegaanada Sool iyo Bari, asagona ku tilmaamay Damaashaad gardara ah.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in uusan Maamulkiisa u dulqaadan doonin, haddii buu yiri Dr. Gaas uu cagta soo geliyo Meel ka Mid ah Ciida Somaliland.

Walaaca Madaxweynaha Somaliland ayaa imaanayo xili isqabqabsi iyo xiisado dagaal ay ka jiraan Gobolada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo u dhaxeeya Maamulada Puntland iyo Somaliland.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maalmahan safara kala duwan ku bixinayay Deegaanada hoos taga Maamulka Puntland.

Sido kale Odayaasha dhaqanka iyo Isimada Puntland ayaa wacad ku maray in ay qabsan doonaan gebi ahaan Degmooyin ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag, iyagoona sheegay in ay xaq u leeyihiin maamulida deegaanadaasi.

Ugu dambeyn lama oga halkan uu ku dambeyn doona isqabqabsida iyo xiisadaha dagaal ee ka jira Deegaanada ay Maamulada Somaliland iyo Puntland isku heystaan, mid walbana ku doodayo in uu iyagu ay ka taliyaan.

You must be logged in to post a comment Login