Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Siilaanyo Mucangagnimadiisii oo Dadkii Meytaadka ahaana Ka Masayray Subxaanala

Posted by: oodweyne

Somalidu waxay tidhaahdaa Nin nooloow maxaa aragti ku laaban, waxa
jirta intay Xukuumada Siilaanyo xukunka la wareegtay inay ku maamusho
kelitalisnimo, iyo sidii inqilaab & xukun milatari ku qabsatay oo ay iska
indha tirayso inay codka shicibka ku timid.
Hadaba, waxa jirta inay shicibka ku hayso caga juglayn & wax ma sheegi
kartid, ma hadli kartid, ma caban kartid oo arinteedu tahay siday wax u
socdaan la qabso, oo haka dheerayn Xukuumada kulmiye & Qoyska Mad-
axtooyada.
Hadaba, waxa wax lala yaaba ah oo qofkii maqlaba fejecisa ku noqotay in
Madaxtooyada S/Land ku dhawaaqday ehelu qubuuraha ama meytida lama
soo qaadi karo ama faataxada looma mari karo, markii Madaxweynihii hore
ee S/Land Maxamed X.ibraahin Cigaal la yidhi halku dhigyadii lagu muujiyey
xuskiisii Madaxweynaha Siilaanyo ayuu ula jeedaa Marxuunku hadalkii uu
yidhi intii uu noolaa.
Markaa M/Siilaanyo miyaanu kuba tashan inuu dhimanayo mise wuxuu isu
qabaa inuu xiitaa malagu uu ilaabay, waayo mabuu ka masayreen meytida
hadalada hal ku dhiga ee laga reebay, mise wuxuu u qaatay ama uu ku riy-
ooday in Marxuunku ku soo baxo.
Markaa M/Siilaanyo & xukuumadiisa, bal haloo wada joogo intii aan dhim-
an cidhibtooda dambe & halkay ku dambayso cuqubada ay umada ka gelayaan
ee aanay kuba dersan in Ilaahay Aakhiro & Aduunka xisaabin doono.
bal eeg Saxaafadii oo lagu cabudhinayo Qoyska Madaxtooyada ayaad wax ka
sheegteen, oo Wergeysada Hubaal & Haatuf ku xidhan yihiin , oo weliba qarash
lagu bixinayo sidii xadhig & ganaax laysugu darayo oo waaxda garsoorka lagu
amrayo inau ku xukumaan oo madaxtooyada looga yeedhinayo, oo xiitaa la
xidhay Baabuur lagu xardhay dulmiga ay ku xidhan yihiin.
Sidaas darteed, waxaan ku soo afmeeray,.
Ilaahay Xaq Ma Dedo Ma Duudsiyo ee adoo dulman baad i deydeyi.
Ninkii Xaqa Umada Aasana Ilaahay baa Xisaabin Doona Waanu Dilaaci Doonaa
Xaqu.
Wabilaahi Tawfiiq
Asha Jama
ashaa.j@live.nl

You must be logged in to post a comment Login