Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Siilaanyo oo La Ogoleysiinaayo ka Qeyb Galka Shirka London kadib Diidmadiisii

Wararka aan ka Heleyno Ilo Wareedyo ku Dhaw Xarunta Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland ayaa tibaxaayo in Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu u duulay Isutagga Imaaraadka carabta kadib casuumaad uu ka helay boqorka dalkaasi.

Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa waxa la Filayaa in Halkaasi Lagula kulan Siiyo Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la Filaayo in Todobaadkaan uu u Duulo Dalka Isku taga Imaraadka Carabta waxaana la Sugayaa in kulansi Lagu xaliyo muranka ka taagan qabsoomida kulanka 7-da May ee sanadkaan oo Somaliland ay ku sheegaty mid aan iyada quseyn.

Axmed Maxamed Maxamuud ayaa dhawaan mar uu kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Turkiga waxa uu garoonka diyaaradaha Barbara uu kula hadlayay Saxaafada uu daaha karogay in Somaliland aysan ka qeyb geli doonin kulanka London oo ay si wada jir ah u shir gudoominayaan madaweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Ingiriiska, go’aankaas oo muran ka dhex dhaliyay siyaasada Somaliland.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maamulka Siilaanyo ayaa waxa ay go’aan qaldan ku tilmameen diidmada hogaanka maamulka Somaliland uu ku dhaqaaqay iyaga oo sheegay in ay ku habooneed in shacabka degaanada Somaliland wax laga weydiiyo sida ay u arkaan ka qeyb galka shirka.

Imaaraadka carabta ayaa horay waxa ay marti qaad ay u sameeyeen kadib wadahadal uga fureen halkaasi madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shiekh Shariif Sheikh Axmed, iyo Siilaanyo, hogamiyaha Somaliland, iyada oo aan wali cid si rasmi ah ula socota aysan jirin waxyaabihii kasoo baxay kulankaasi.

You must be logged in to post a comment Login