Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan Sh oo goordhow ka soo dagaya garoonka Muqdisho

xasan-sheekh-diyaarad

Magaalada Muqdisho, waxaa goordhow la filayaa in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu ka soo dago madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaanahan socdaaal gaar u ah uu ku joogay dalka Turkiga.
Waxaa garoonka ka socdo qaban qaabada soo dhaweynta madaxweyna, waxaa ku sugan madax ka tirsan dowladda.
Waxaa kaloo garoonka ku sugan ciidanka Baambeyda, kuwaasoo ka qayb qaadanaya soo dhaweynta madaxweynaha.
Ma cadda in madaxweynaha uu la hadli doono saxaafadda iyo in kale, in kastoo saxaafadda ay ku sugan tahay garoonka.
Madaxweynaha ayaa horrey u sheegay in uu dalka Turkiga u aaday booqasho gaar u ah isaga oo ay ka mid tahay in uu soo arko xaaskiisa iyo carruurtiisa oo ku nool dalkaas.

You must be logged in to post a comment Login