Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in uu soo Magacaabayo Ra’isal Wasaare Cusub

Madaxweynaha Jumhuriyada Soomaaliayta Xasan Sheekh Maxamuud, oo la hadlayey Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo magacaabi doono Ra’isul Wasaare, kaasi oo laga doonayo sida uu Madaxweynuhu uu sheegay in uu soo dhiso Xukuummad tayo wanaagsan sida uu tilmaaamay.

Kadib markii shalay Mudanayuaasha Barlamaanka Soomaaliya ay kalsonidii kala laabteen Xukuummaddii R/W Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, oo ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan.

Xasan Sheekh Maxamuud, Maxadaxweynaha DFS ayaa Xukuummada uu hor kacayey R/W Saacid ku amaanay in ay wax badan ka qabteen wax yaabihii loo igmaday.

Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Masuuliyiinta Dowladda uu soo kal dhex gali karo khilaaf iyo ra,yi kala duwanaasho, hase,ahaate lagu xalin doono gudaha dalka, isla markaana aan lala aadi doonin dalka dibadiisa, sida uu sheegay.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa haatan looga fadhiyaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo magacaaabo R/W cusub, kadib markii shalay kalsonidii lagala laabtay Cabdi Faarax Shirdon Saacid iyo Xukuummadiisa.

You must be logged in to post a comment Login