Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xalay Kormeeray Xaafado Ka Mid Ah Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kormeeray xaafado iyo goobo ganacsi oo ku yaal magaalada Muqdisho ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay isbedelka xoogan ee dhinaca nolosha ah ee ka jira magaalada Muqdisho.

Meelaha uu xalay madaxweynahu booqday waxaa ka mid ah hotelka jazeera xilli ay halkaasi ku sugnaayeen dad fara badan oo isugu jiray wasiiro ka tirsan xukuumada, xildhibaano, siyaasiyiin iyo shacab kaloo u badna qurba joog dalka dib ugu soo laabtay, wuxuuna madaxweynuhu dhex galay oo uu la fariistay shacabkii gudaha hotelka ku sugnaa oo uu waqti la qaatay.

Shacabkii xalay ku sugnaa hotelka jazeera ayaa aad ugu farxay kormeerka madaxweynaha uu ku tagay hotelkaasi, iyagoo madaxweynuhu uu mid mid u gacan qaaday dadkii goobta ku sugnaa.

“noloshii gaarka aheyd oon mudo ka maqnaa aadan ugu faraxsanahay inaan arko oo dadki asxaabta ahaa oo Muqdisho hore lo aqoon jiray halkan ku fiidsadaan, dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha waxaan u sheegayaa in magaaladan aysan cabsi ku nooleyn oo nolol caadi ah ay ka jirto” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha oo la hadlayay dad uu kula kulmay hotelka Jazeera ee Muqdisho.

Kormeerka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah kormeerro madaxweynaha dalka uu ugu kuur galayo nolosha dhabta ah ee ka jirta caasimadda. buy Cialis soft FRUIT online, generic zithromax.

You must be logged in to post a comment Login