Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynihii hore ee dowlada Soomaaliya oo markii Ugu horeyse kahadlay hadal dhawaan kasoo yeeray QM kuna farxayn madaxda Dalka

Madaxweynihii hore dalka soomaaliya oo haatan kamid ah ardeyda wax kabarata dalka mareekanka aya amarkii ugu horeyse kahadlay kaqaadista cunaqabateynta hubka saarnaa dalka soomaaliya.

shariif Sheekh Axmed oo lahadlay wakaalada wararka ee Faransiiska ee AFP ayaa sheegay in guul usoo hoyatay dalka soomaaliya kuna faraxsanyahay kaqaadista arinkaasi kadib 20 sano saarneyd.

Madaxweyne Shariif sheekh Axmed ayaa sido kale kahadlay xaalada haatan ee dalka soomaaliya maraayo waxaana oo sheegay in haatan jawiga somaliya oo yahay mid aad u wanaagsan kana donaayo shacabka iyo madaxda in ay kawada shaqeyaan hormarka dalka.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo Xayiraadii hubka dowlada Soomaaliya laga qaaday, waxaana xusid mudan in dowladii uu Sheekh Shariif madaxda ka ahaa in badan ay u ola oleysay in Soomaaliya laga qaado cuna qabateyntaasi.

You must be logged in to post a comment Login