Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle oo si la yaab leh uga hadlay arinta Jubbaland

S

 Oct 7, 2019

 0S

Muqdisho–Cali Cabdullaahi Cosoble madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay culeyska siyaasadeed ee dowladda dhexe ay saartay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Madoobe.

Sanadkii 2017-kii ayaa Cali Cabdullahi Cosoble mooshin looga qaaday xilkii madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, isagoo sheegay in maanta uu ku faraxsanyahay culeyska haysta madaxda iyo maamul goboleedyada kale ee dalka oo uu sheegay in ay shalay isaga ku fiirsanayeen culayskii ay saartay dowladda dhexe, kaas oo sababay in uu ku baxo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay tahay meel la isku fiirsado dulmiga iyo isku xoog sheegadka sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka akhriso qoraalka Cali Cabdullahi Cosoble:-

Soomaaliya waa waddan ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegadka iyo is dulminta, sababtoo ah kama dhiidhiyaan khaladaadka ee wey isku eegtaan, markaasuu midba maalin cabaadaa.

Mac sokor ayey ku tahay Jubbaland, waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Koofur Galbeed ha iska daba wareegato, Galmudug, Hirshabeelle ha bakhtiso, Puntland ha faquuqnaato. Airporska ha la iska celiyo, guryahana ha la isugu daato. Doorashadana dib ha loo dhigo. Intaba waan ku faraxsanahay.

Hala wada dhadhamiyo xaraarka uu dulmiga leeyahay. Xaraarka dulmiga wuxuu isu bedelaa macaan markaad aragto kii shalay kugu qoslaayay oo maanta cabaadaya.

Nin walboo dulmi ka sheeganaya waxaan leeyahay ‘Welcome to the club’, albaabadana wey furan yihiin. Dulmiga wuu bilowdaa ee ma joogsado.

You must be logged in to post a comment Login