Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo Muqdisho uga dhawaaqaya…

order Cialis online, Viagra Soft online, buy clomid online. zithromax without prescription.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Sheekh Shariif Axmed ayaa dhowaan la filayaa inuu magaalada Muqdisho uga dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif oo dhowr jeer dib u dhac ku yimid safar uu doonayay inuu dib ugu soo laabto caasimadda Soomaaliya oo uu ka maqnaa muddo 4 sanadood ah, ayaa hadda go’aansaday inuu yimaado Muqdisho.

Sheekh Shariif  Axmed oo wacdarro ka dhigay JabuutiWararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ku soo wajahan yahay caasimadda maalmaha soo socda, waxaana magaalada laga dareemayaa qabanqaabo ay wadaan taageerayaashiisa.

Sheekh Shariif ayaa taageerayaal badan ku leh Soomaaliya iyo magaalada Muqdisho, waxayna dad badan aaminsan yihiin in ninkii xilka ugu danbeeyay xaaladda uga sii daray, taasoo Sheekh Shariif laftiisa uu sheegay haddii xaalad ka fiican la galay kadib markii uu xilka ka tegay inuusan is sharxi doonin.

Xaaladda ammaanka Shariifka oo hore welwel uga jiray ayaa la sheegay in hadda la xaliyay markii ciidamo gaara loo sameeyay ilaaladiisa oo ay ka mid yihiin kuwa AMISOM, waxaana socda diyaargarowgii ugu danbeeyay ee Sheekha lagu soo dhoweynayo.

buy Viagra Gold, zithromax reviews. shariif-sheekh

You must be logged in to post a comment Login