Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Magaalooyin ka tirsan KENYA oo qax uu ka billowday, Al-Shabaab darteed

Boqolaal qoys ayaa ka cararay guryihii ay ku lahaayeen deegaanada Mpeketoni iyo Witu iyo deegaanada ku xeeran oo ka tirsan degmada Lamu ee dalka Kenya, waxii ka dambeeyay weerarkii todobaadkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen 60 ruux, sida ay sheegtay hayada laanqeyrta cas ee dalka Kenya.

“Qoysaskaasi ka barakacay goobahaasi waxay iminka u baahan yihiin caawinaad bini’aadanimo”sidaasi waxaa yiri Xasan Muuse agaasimaha hayada Laanqeyrta Casa ee deegaamada Kilifi iyo Lamu.

Wuxuu sidoo kale sheegay isagoo la hadlayay wakaalada Wararka dalka Turkiga in dadka qaarkii ay ka baqayaan inay kasii qaxaan deegaanadii dagaalada ay ka dhaceen, iyagoo ka baqaya dagaalo kale oo ka dhaca deegaanadaasi.

Ku dhawaad 60 ruux ayaa ku dhintay weerarada todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Mpeketoni oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Shan ruux oo lala xiriirinayo weerarkaasi ayaa todobaadki lasoo dhaafay kasoo muuqday maxkamad ku taala dalka Kenya.

cheap tadalafil, buy zithromax.

Xasan Muusa ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo ka cararayaa deegaanadaasi iyo kuwo kale oo ka hayaamay deegaanada dagaalada ay ka dhaceen.

War kasoo baxay hayada laanqeyrta Cas ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 606 qoys ay iminka ay guryo ka dhiganayaan xerooyin ku yaala deegaanada Kitile Mavuno iyo Poromoko.

Dadkaasi ayaa la sheegay inay ku jiraan 126 caruur ah iyo 33 ruux oo uur leh, kuwaasi oo hayada ay sheegtay inay u baahan yihiin cunto, hooy iyo caafimaad.

 

You must be logged in to post a comment Login