Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Magacyada wafdiga JUBBA ee Muqdisho imaanaya

Waxaa maanta lagu wadaa inay magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi kasocda maamulka JUBBA kuwaasi oo ka qeyb galaya Aaska loo sameynayo maalinta berrito ah Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra’iisalwasaarihii hore ee Somaliya oo dhawaan geeriyooday.

Wafdiga maamulka JUBBA ayaa waxa la sheegay inuu hogaamin doono sida uu qorshuhu yahay madaxweyne kuxigeenka Labaad ee maamulkaasi Suldaan C/qaadir Maxamed (Luga-dheere) iyadoo wasiiro ay wafdiga soo raaci doonaan kuwaasi oo kala ah:-

Wasiirka arimaha Bulshada Maxamed Ibraahim Maxamuud
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Axmed C/xafiid Maxamed
Wasiirka Macdan,Biyaha iyo Bay’ada C/nuur Cali Adan iyo wasiiro kale

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha Maamulka JUBBA Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) uu berri imaan doono magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo duugta loo sameynayo Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen iyadoo suurta gal tahay in maanta wafdiga soo baxaya uu qeyb ka noqdo Axmed Madoobe.

You must be logged in to post a comment Login