Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mahad Cawad ayaa isbaaro u dhigtay wareejinta Isbitaalka Martiini.!

February 10, 2019

Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa mudo ka badan laba bilood  waxa uu hortaagnaa wareejinta Isbitaalka wayn ee Martiini. Wasiirka Wsaarada Caafimaadka ee Dowlada Fedaraalka ayaa waxa waday qorsho isbitalada shacabka leeyihiin laga soo wareejiyo hay’adaha  sida gaar ah u maamula  Isbitaalka oo lagu wareejiyo Wasaaradda.

Mahad Cawad oo ah shaqsi ku caan baxay musuq-maasuqa, tuuganimada   ayaa sheegay in Isbitaalka uu yahay Isbitaal ay maamusho Beesha Dir isla markaana ay  ku soo dhibtootay maamulkiisa in ka badan 10 sano.

Sida loo xaqiijiyay Isbitalka ayaa maamulkiisa waxaa lacag lagu siiyaa Hay’adda IIDA  oo ah hay’ad maxali ah. Habada maxaa keenay in Mahad Cawad uu difaaco danaha Hay’adaaas. Mahad Cawad ayaa lacag joogta ah ka qaato Hay’adda  IIDA isaga oo loo qoray magac been abuur si loo qorayo magaciisa  runta ah. Waxaana si joogta ah  loo siiyaa lacag loogu magac daray “Consultant”.

Ma aha markii ugu horeeysay oo  uu Mahad Cawad difaaco lacagaha la siiyo hay’adaas,. Sanadkii hore ayaa ay ahayd markii uu ka horyimid taabagalinta dastuurka isaga oo ku doodayaya in shaqada Dastuurka loo dhaafo in ay maamushao hay’da IIDA.

Dhanka kale waxa iyada qayb ka ah difaaca haysashda  hay’ada IIDA haysato isbitaalka Martiini Wasiirka Haweenka ee dowlada Feedraalka oo qayb ku leh hay’adda IIDA. Wasiir Deeqa  ayaana dagaal lagu difaacayo danaha gaar ah ee Hay’adaas ku qaaday Wasiirka Caafimaadka Foowsiyo Iikar.

You must be logged in to post a comment Login