Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mahad Salaad “Cawaaqib xumadii ka dhalata arrintaan Farmaajaa qaadanaya”

Muqdisho–Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey in uu ka dambeeyo ciidamada habeenadii lasoo dhaafay gaaf wareegayey guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Mahad Salaad qooreaal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in tallaabadaasi ay ka dhigantahay mid lagu abuurayo dhiilo calaadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad ayaa ka digay cawaaqib xumo uu sheegay in ay ka dhalan karto arrintaas, taas oo mas’uuliyadeeda uu dusha u ridan doono sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo.

“Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadaan dul geynayay guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo!” Ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salad.

Hadalka Xildhibaankan ayaa kusoo aadaya iyadoo habeenadii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa Haramcab ee booliska Soomaaliya ay gaaf-wareeg ku sameeyeen guriga uu magaalada Muqdishgo ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.

You must be logged in to post a comment Login