Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maleeshiyaadka Raaskambooni oo Madaafiic ku garaacay Hooyga uu Kismaayo ka degnaa Ra’isul wasaaraha Somalia.

Warka aan ka heleyno Magaaladda Kismaayo, ayaa sheegaya in Maleeshiyaad taabacsanaa Raaskambooni ay Hoobiyayaal ku garaaceen Aqalka uu Ra’isul wasaaraha Dalka ka degnaa Magaaladda Kismaayo.
Weerarka oo ahaa mid culus, ayaa waxaa laga maqlaayay inta badan Magaaladda Kismaayo, waxaana Weerarkaasi loo adeegsanaayay Hoobiyayaal calculus.
Sidoo kale wararku waxa ay sheegayaan in Goobta Hoobiyayaasha laga tuuraayay ay ku sugnaayeen Ciidamadda AMISOM oo lahaa Difaaca Kowaad, waxaa Goobta Difaaca labaa Shalay Galab la soo dhoobay Maleesiyo Beeleedka AxmedMadoobe waana meeshaas Goobta ay Xabadahu Xalay ka soo dhacahayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Raaskambooni ee duqeeyay Aqalka uu ku sugnaa RW ay ahaayeen kuwa ka careysnaa Qaad loo qaaday Maleeshiyaadka sida gaar ah u ilaaliyo Madaxtooyada, hayeeshee weerarkaasi loo maleegay RW ayan waxan weli ka hadlin Hoggaamiyaha Maleeshiyadda Kismaayo Axmed Madoobe.
Waxaa iminka inta badan Ciidamo lagu soo daadiyay Wadooyinka Muhiimka ah ee gala Aqalka Axmed Madoobe waxaana laga cabsi qabaa in mar kale la duqeeyo Madaxtooyada Kismaayo.

You must be logged in to post a comment Login