Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maleeshiyada Dowlada Oo Magaalada Marko Soo Galay iyo Ciidamada Deegaanka Oo Xeelad Daga

Sildalis for sale, buy zithromax.

Waxaa Saakay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada hoose ,Weerar kusoo qaaday Maleeshiyada Dowlada oo garab siinaya Mooryaanta Habargidir ee looga itaalka roonaaday Aaagaga Ceelwareegow iyo Lambar Konton.

Maleeshiyada Dowlada oo wata gaadiid aad u badan ayaa waxey saakay kusoo jarmaadeen Magaalada Marka, waxaa hada magaalada Marka ka socda Barakac xoogan oo ay sameynayaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Marka.

Ciidamada deegaanka ayaa Magaalada Marka ka Jooga Sedexda Jiho ee Magaalada laga soo galo, waxaana guud ahaan ka socodo Gobolka dhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan Ciidamada deegaanka.

Deegmada Lambar konton iyo deegaanada Fida Muuse, Ceelwareegoow, Fida labi, iyo Ceeljaale waxaa ku sugan Ciidamada deegaanka, Maleeshiyada Dowlada ee Saakay weerarka soo qaaday waxey xalay ka baxeen difaacyo badan Oo la’isku hor fadhiyay Gobolka Shabeelada hoose iyagoo xoogooda isugu geeyay Magaalada Marka.

Gudoomiyaha Magaalada Marka Mudane Maxamed Cusmaan Yariisoow ayaa sheegay in Ciidamada deegaanka ay Isticmaalayaan Taatikooyin dagaal, waxaa kalo uu sheegay in dagaalka Iminka uu u dhaxeeyo Beesha Biimaal iyo Maleeshiyada Dowlada Federaalka.

Gudoomiyaha Magaalada Marka ayaa wacad ku maray in waqtiyada nasoo aadan uu Magaalada Xoog uga soo saarayo Mooryaanta lagu sheego Ciidan Qaran.

You must be logged in to post a comment Login