Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Malinti callanka iyo gabaygi Tima cadde

order Vigora online cheap, generic dapoxetine. 12 October 1954 Maxaa lagu Xusuustaa Maanta Oo kale?

12-kii October 1954-tii waxaa lagu xusuustaa Oo Maanta oo kale in Calanka Buluugga ah ee Xiddigta Cad Dhexda ku leh ee Soomaaliyeed laga uu ka dhex babaday Calamaddii Xilligaasi Jiray ee Qaramada Midoobeey Surnaa, waa markii ugu horaysay ee Dhulka Soomaaliyeed uu yeesho Calan la aqoonsan yahay.

Illaahay Janaddii Fardowso haka waraabiyee Waxaa sharaftaas iyo in calan la yeesho Soomaaliya Gaarsiiyey Xaaji Maxamed Cawaale Liibaan oo markaasi ka tirsanaa Baarlamaankii Soomaaliya.

Calanka Soomaaliya Taariikh dheer oo Marxalado kala duwan soo martay ayuu lee yahay, hase ahaatee Tixdii ama Gabaygii uu caanka ku ahaa ee uu Tiriyey Abwaan C/laahi Suldaan Tima Cadde ayaan halkaan idiinkugu soo gudbinaynaa isagoo qoraal ah.

Gabaygaan wuxuu abwaanku tiriyey habeenkii xoriyadda ay qaateen Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (British Somaliland) waxaana habeenkaasi Soomaalidu ay iska Xayuubisay Gumaysigii Dulsaarnaa in ka badan 80 Sano, gumaystahaasi oo ahaa reer Yurub(Ingiriis iyo Talyaani),.

ABWAAN TIMA CADDE WAXAA UU YIRI:

Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan joogno
Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan surmaseejo
Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
Soomaalida i maqlaysaay
I su’aala hadhow
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax
Subciyay oo ka dukeeyaye
Ka siddeetan sebaaney
Calankaannu sugaynaye
Sahankiisa ahaynow
Seermaweydo hillaacdayow
Sagal maanta darroorayoo
Siigadii naga maydhayow
Saq dhexaannu ahayne
Kii soo saaray cadceeddow
Samada kii u ekaaye
xiddigaa mid la siiyayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib Kanna saar

Saahidiinta lslaamka e
Subcisaa Jimcayaashiyo
Sibyaanta iyo haweenku
Calankay Saadinayeenow
Cidina kaanay na Siine
Saatir noogu yaboohayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar
Sallaankii istiqaalkow
Sedadu kay ku xidhnaydow
Sayruukhii Afrikaadow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

San-ku-neefle dhammaantii
Khalqiga kii u sinnaayeen
Mid saaxiib la ahayne
Sangalkii iska diidayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
Aan siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

Soomaloo iscunaysa oo
Saqda qaylo dhawaaqdiyo
Sulub laysu cabbaystiyo
Hadba soof la xabbaadhiyo
Saraayaa dami weydey
Kii laydhiisu na saaqdayow
Kii sadqeeyey qabaa’ile
Isu saaray gacmaa ee
Saf walaala ka yeelayow
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar

In sidayda tihiin iyo
In kalaanan saxaynine
Soomaloo calan taagta
Saakay noogu horraysa oo
Saddex wiig iyo maalmo
Haddaan Soor cuni waayo
Safrad laygama yaaboo
Sarina mayso naftayda e
Saaxirkii kala guurraye
Sarreeyow ma-nusqaamow
An siduu yahay eegno e
Kaana siib kanna saar.

You must be logged in to post a comment Login