Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maqaal aad u wanaagsan oo ku saabsan Shirka Garbahaarey Oct 13, 2014 – jawaab

Abaar aad udaran oo saameeysay dad iyo duunyo colaado iska soo daba noqnoqday ururo diimeedyo midba dhan usocdo shacab daruufaysan oo qayla dhaantiisu aduunka wada gaartay maamul la,aan iyo midnimo la,aan haysata deegaanka, iyadoo intaasi oo dhami ay jiraan ayaa mar qura waxaa dulhogatay daruur aad qurxoon oo caafimaad qabta oo saxan saxadeedu dadka wada saaqday qurxisayna deegaankii irdhaysnaa waloow aysan wali dhibicdii dhulka imaan hadana dadku waa abshiraystay. Daruurtaasu waxay kusoo aaday tiiyoo ugaasyadii cuqaashii iyo suldaanadii beeshu ay sahamo kala duwan ku maqnaayeen oo ay bal meel dad iyo duunyo kunabad gasho usahmiyeen deegaanka,dadkuna ay roob doon iyo ala bari kujiraan hadana daruurtaanu waa mid goor loo baahnaa timid.

Dhinaca gobalka baay waxaa ka yimid roob yar oo xaysa oo daruurtaan ku dhex qarsoomay xoogaa reeys ahna dhigay dadkuna ay ku laab qaboobeen siina abuurtay kalsooni iyo in ilaah faraj furi doono waloow xayskaas la helay hadana wali lama hubo inuu caws badan soo saari karo laakiin dadku waxay kusii sugi karaan daruurta dul hoganaysa.

Dhinaca jubada hoose unkad aad u xoogweeyn baa laga maqlayaa waloow sharqantiisu ay dhagaha dadka soo gaartay hadana saa meeyntiisu waa mid taxadar ku dheehan yahay oo unkodkaas lama dhayal san karo waase hadii ay daruurta iyo xaayska da ay ee dhinacaas baay nooga yimid ay is haleeli waayaan.

Dhinaca caasimada iyo muqdisho waxaa laga arkaa hilaac aad ufog oo ili qabataya oo ay ku jahwareereen quburo ku xeel dheer dhinaca saadaasha hawada kaasoo mudo badan dabadeed hadba biligtiisa la arkayo quburaduna ay ku sheegeen in hilaacaas yahay tilmaan roob odoraskiisuna adagtahay in la tilmaamo goorta uu deegaanka ku soo beeganyahay, walooow ay quburadu aysan meesha kasaarin in uu goortay ahaataba hilaacaasu soo xoogaysan karo waxayna sii raaciyeen maahmaahdii ahayd khayr wax kaama dhimee shar u toog haay.

Qurba joogtu iyagu waxay sidii caadadu u aheeydba bilaabeen xafladihii iyo kulamadii ay ku weeyneeynayeen saan saanta wanaagsan ee soo shaac baxday waloow farxada iyo laab lakaca qurba joogtu ay mararka qaarkood hanti badan oo loo baahnaa in lagu taakuleeyo shacabka dhibaataysan iyo deegaanada abaaraha iyo colaadu la dageen ay hadana ku bixiyaan maqaayado iyo tv yo la kireeysto.

Hadaba iyadoo la tix galinayo daruufaha adag ee haysta deegaanka iyo dibu dhaca ka muuqda ubadkeena oo mudadii dhawr iyo labaatanka sanaa aan helin wax daryeela waxaan ku tali lahaa in la is waa fajiyo amuuraha aan kor kusoo sheegay aysana marnaba dhicin inay soo noqdaan arimihii soomaali dib u dhigay ee kooxo kooxaysiga aheeyd iyo oraahihii can baxay mudooyinkii ugu danbeeyay ee ahaa looma dhama iyo loo joojin maayo.

Waxaan qabaa inaan la dhayal san cidna lagana daalin in la is waafajiyo kala aragti duwanaanta maxaa yeelay unkadka kismaayo ka yeeraya hadii uu lakulmo daruurta oo dhibicdii biloowday lana yimaado duufaano iyo dabeeyl tiiyoo aan ognahay in xoolaha iyo dadkuba ay soo mareen xili badan oo abaara una nugul yihiin xiligaan xamilina Karin mahigaan aad u culus oo dushooda ku hoora hadana wax walba waxay ku wanaagsan yihiin walaaloow aan wadaagno caanaha iyo baryo iyo isku tana sul.

Shaki kuma jiro in ugaasyada,naba doonada cuqaasha iyagu sahanka ku maqan ay sahlanaan doonto inay kusoo guryo noqdaan deegaanka oo awalba waxay raadinayeen hadii ilaah si dhib la aana deegaankii u keenay waxaa waajib ku ah inay ilaah u xamdi naqaan oo ay dadkooda lawadaagaan farxada sidii lagu yaqiin cuqaasha iyo waxgaradka umada . buy tadalafil online, buy Zoloft online.

You must be logged in to post a comment Login