Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka: “323 AlShabaab Ayaan Duqayn Ku Dilnay 2018”

February 8, 20190

Muqdisho (SMN) – Mareykanka ayaa fahfaahin dheeraad ah ayaa ka bixiyay duqaymaha uu Soomaaliya ka fuliyay sanadkii hore iyo kan cusub ee 2019.

Madaxda  howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika, Thomas Waldhauser, ayaa xusay in 2018-kii ay 323 Al-Shabaab ka tirsan ay ku dileen 50 howlgal.

Waldhauser ayaa u sheegay Congress-ka Mareykanka in sanadkaan cusub ee 2019 illaa iyo haatan ay 113 Shabaab ay ku khaarijiyeen tobaneeno duqaymo ah.

Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xooga dalka ay ka taagarayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen amaanka guud ee wadanka.

Ugu dambeyntii, wuxuu xusay inay jiraan waxyeelo shacabka kasoo gaara weerarooda cirka ah, balse ay ku dadaalayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen.

You must be logged in to post a comment Login