Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka oo Diyaarado Dagaal u soo Diray Dalka…

Forzest online, buy lioresal online. Mareykanka ayaa bilaabay inuu u duuliyo dalka ciraaq diyaarado hubeysan oo ah kuwa aan cidina wadin ee loo yaqaano drones.

Diyaaradahan hubeysan ayaa la sheegayaa inay ilaalin doonaan 180 askeri oo ka mid ah meleteriga dalka Mareykanka oo la taliyayaal ahaan hadda uga howlgalaya gudaha dalka Ciraaq

Diyaaradahan maahan kuwa duqeyn doono kooxda islaamiga ah ee Daacish (ISIS) ee qabsatay in badan oo ka mid ah dalka Ciraaq, sida uu sheegay xoghayaha warfaafinta ee waaxda difaaca ee dalka Mareykanka.

In weerar ay fuliyaan maahan waxa uu amray madaxweyne Obama, in kastoo ay jirto inay macquul tahay arrintaasi.

Mareykanka ayaa sare u qaaday joogitaankiisa dalka Ciraaq, wuxuuna maalinkastaa ka fuliyaan qiyaastii 35 duulimaad oo ah howlgal ama aan howlgal aheyn oo dalka oo dhan uu ka sameeyo.

Meleteriga uu geeyay dalka Ciraaq waxey bilaabeen howlgal ay siwada jir ah u sameynayaan Kuwa Ciraaq oo xaruntooda talada ay noqoneyso magaalada Baqdaad, waxaana la qorsheynayaan in mustaqbalka dhow mid kale laga sameeyo waqooyiga.

You must be logged in to post a comment Login