Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka oo Itoobiya ku qal qaalinaya inaysan ciidamadeeda kala bixin Soomaaliya

Dowlada Mareykanka ayaa isku dayaysa inay ku qal qaaliso dowlada Itoobiya sidii ciidamadeeda usii joogi lahaayeen gudaha Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen Wasiirada Arimaha dibada Itoobiya iyo dowlada Mareykanka ayaa waxaa ay kaga hadleen xaalada Soomaalia.
John Kerry Wasiirka Arimaga dibada dowlada Mareykanka ayaa sheegay in Itoobiya looga baahan yahay sidii ay usii wadi lahayd taageerada ay siinayso dowlada Soomaaliya gaar ahaan dhinaca la dagaalanka Shabaab.
Waxaa uu tilmaamay in kooxaha xariirka la leh AlQacida ay halis ku yihiin amaanka gobolka sidaa darteed dowlada Itoobiya ay tahay inay sii wado howlgalka kadhanka ah Shabaab.

Wasiirka arimaha dibada wadanka Ethiopia Tadros oo kusugan magaalada Washintong ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadayso dagaalka.
Itoobiya ayaa sheegtay inay sii laban laabayso dagaalka kadhanka ah Shabaab ee ka soconaya gudaha Soomaaliya iyo in la taageero dowlada rasmiga ah ee Soomaaliya.
Wadahadalkan ayaa kusoo aadaya xili Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen qeybo kamid ah Soomaaliya sidoo kalana ay jiraan isku dayo kale oo ay kaga baxayaan gudaha dalka.

You must be logged in to post a comment Login