Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka oo lacagtii ugu badneyd dul dhigay laba mawaadin oo mareykan ah oo Shabaab katirasan.

Wasaarada arimha dibada Mareykanka ayaa waxa ay dul dhigtay Omar Shafik Hammami iyo Jehad Serwan Mostafa min $5 million. Labadaasi nin waxa y kujiraan liiska madow FBI-da Mareykanka.

Lacagahaan waxaa lasiin doonaa cid kasta oo nolol ama geeri ku keenta labadaasi nin ee sida aadka ah loo doon doonayo.

Hammami iyo Mostafa ayaa labaduba waxa ay xubna ka yihiin Al-Shabaab iyaga oo si aad ah uga caawiya falalka argagaxiso sida lagu helay xog ay heshay CNN oo ay kasoo baxday qeybta cadaalada ee wasaarada arimaha dibadda mareykanka.

Sarkaal FBI-da katiran ayaa waxa uu sheegay in labada nin ay aad u daneynyaan in ay dhibaato gaarsiiyaan danaha dalka Mareykanka iyada oo la’aaminsayahay in ay maleegayeen qaraxyo hanti iyo Shaqsiyaad mareykan ah ka dhan ah.

Hammami, oo Alabama kasoo jeeda waxa uu Soomaaliya soo gaaray 2006-dii isaga oo Shabaab ku biiray oo si aad ah uga caawinayay soo jiidashada dagaalamayaasha reer galbeedka ah.

Mareykanka ayaa inkasta oo Shabaabku ay sheegeen in Omar Shafik Hammami uusan metelin hadana uu wali shaqsi muhiim ah u yahay kooxda Al-qaacida xariirka laleh.

Mostafa ayaa leesla dhex marayaa in uu jiro 27-sano ama 32-sano, waxa uu ku dhashay Wisconsin intii uusan u guurin California.

Soomaaliya ayaa lasheegay in uu safar ku yimid 2005-tii, iyada oo lasheegay in uu halkaasi ku heyn jiray dagaalamayaal ajaanib ah isaga oo Shabaabkana ula shaqeynayay qabiir xagga saxaafada ah.

You must be logged in to post a comment Login