Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan wadamo ay ku jiraan Soomaaliya, Kenya iyo Jabuuti

Waaxda Arrimaha dibada Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay waxay muwaadiniinta Mareykanka ah uga digtay inay u safraan wadamo dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Digniintan ayaa ka dambeysay markii Mareykanka uu bilaabay duqeymo ka dhan ah dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Suuriya, waxaana warbixintan lagu sheegay inay suura gal tahay in duqeymahaas looga aar-guto muwaadiniintiisa.

“Warbixinada hada la helayy waxaa ay muujinayaan in kooxda ISIS ay qorsheenayaan weeraro lala eegto muwaadiniinta Mareykanka iyo danahooda, sidaa darteed muwaadiniinta mareykanku waa in ay taxadar muujinayaan”ayaa lagu yiri war ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in Kooxaha islaamiyiinta ee fadhigoodu yahay waqooyiga, Galbeedka iyo Geeska Afrika ee kala ah AQIM, Boko Haram iyo Al-Shabaabka Soomaaliya ay suura gal tahay inay weeraro lagu waxyeeleynayo ku qaadaan muwaadiniinta Mareykanka ah.

Wadamada kala ah Mali, Senegal, Niger, Chad, Sudan, Somalia, Kenya, Nigeria, Djibouti iyo Eritrea ayuu mareykanku uga digay muwaadiniintiisa in ay u socdaalaan, maadaama Qatar ay ka soo muuqato.

Ma ahan markii u horeysay oo uu Mareykanka ka soo saaro digniin la xiriirta arrimaha argagixisada, digniintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo kooxda ISIS ay qoorta ka goysay labo wariye u dhashay Mareykanka, taasoo jawaab u ah duqeymaha ay ka wado Ciraaq iyo Suuriya. order Viagra Gold online cheap, acquire clomid.

You must be logged in to post a comment Login