Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka oo sameeyay wax aysan ogeyn Dowladda Somalia

Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah shaaca uga qaaday in Ciidamo kuweeda ah oo gaaraya 120 askari ay si qarsoodi ah uga howlgalayeen dalka Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 2007, iyagoo gacansiinayay Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa howlgalka AMISOM ku jira.

Masuuliyiin dowlada Maraykanka ka tirsan oo magacooda diiday in warbaahinta loo adeegsado oo la hadlay wakaalada Wararka ee Reuters ayaa sheegay Ciidamada Maraykanka ee 120 ka askari gaaraya ay ku sugnayeen Somaaliya ilaa iyo xiligii Maamulkii Madaxaweyne George W. Bush uu jiray.

“ Ciidamadda naga jooga dalka Soomaaliya waa ilaa 120 askari oo gaar ah waxayna tababar siyaan Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, waana la taliyaal dhanka Milatariga ah” sidaasi ayaa laga soo xigtay Masuuliyiin Dowlada Maraykanka ka tirsan oo wakaalada wararka ee Reuters la hadlay.

Ciidamadan Maraykanka ah ee ku sugan Soomaaliya ayaa noqonaysa markii ugu horaysay oo askar Maraykan ah loo soo diro dalka Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 1993 xiligaas oo laba Diyaradood oo nooca dheereeya ee Helicopterka loo yaqaano lagu soo riday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayna ku dhinteen 18 askari oo Maraykan ah lagana sameeyay Filimii caanka ah ee loogu wanqalay Musiibadii “Black Hawk Down”.

Xukuumada Washiton ayaa intaasi ku dartay in Ciidamada ka jooga Soomaaliya aysan ka qayb qaadanin dagaalka ka dhanka ah AL-Shabaab lakiin ay talooyin Milatari siyaan Ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM.

Dowlada Maraykanka ayaa sanadkii tagay ee 2013 si rasmi ah u aqoonsatay Dowlada federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in dhawaan Maraykanka uu ku dhawaaqay in Safiirkiisii Soomaaliya uu soo magaacabayo. order tadalafil, order Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login