Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mareykanka oo sheegay in la qorsheynayo in la Weeraro safaaradooda Kenya

Khamiis, June 05, 2014 (HOL) — In ka badan 15 sano oo laga joogo weerarkii lala beegsaday safaaradda Maraykanka ee Nairobi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 200-ruux ayaa waxaa kor –u sii kacaya casbida laga qabo in mar kale la bar-tilmaameedsado,waxaana safaaraddooda Nairobi la keenay ciidamo dheeri ah oo amnigeeda ilaaliya.

Qaar kamid ah sirdoonka Maraykanka ayaa shaaciyay in ay jirto khatar kusoo wajahan danahooda Kenya hadii aan laga hor-tagain ,iyadoo ay sii korortay digniintan wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday Westgate Mall oo ay dad badan ku nafwayeen.

“Waan ognahay in ay jirto khatar aan caadi ahayn oo aan la dhayalsan Karin,“ ayuu yiri Robert Godec oo ah safiirka Maraykanka ee Nairobi oo shir la qaadanayay afar boqol oo ruux oo kamid ah dad haysta dhalashda dalkaas.

Matt Bryden oo horey ula soo shaqeeyay guddiga ka masuulka ah cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteria ayaa isna sheegay in ay jiraan digniinno hor leh oo laga soo saaray arimahan ,isagoo xusay in goobaha la beegsan karo ay ku jirto saldhigga Maraykanku uu ku leeyahay Jabuuti.

Sidoo kale Marion Cotter oo madax ka ah amniga safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa isna tilmaamay in kooxaha argagaxisda ah ay bilaabeen isticmaalidda bambooyinka laga hago rumuudka, taasoo khatarta sii kordhin karta sida uu xusay.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo arbacadii la soo dhaafay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay ilaalinta dalka ,waxaana ciidamada amniga Kenya ay bilaabeen in ay roondooyin ka sameeyaan qaar kamid ah goobaha lagu tuhmayo in laga soo qaadi karo weerarro argagaxiso .

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/Jun/wararka_maanta6-46902.htm#sthash.jgb5YIm1.dpuf tamoxifen, order Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login