Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Marka oo caawa Ciidamada Militariga banaanka looga saaray & AMISOM oo lagu badalay

Wararka ka imaanya magaalda Marka ee xaruunta Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa ay sheegayan in Ciidamada Militariga ee Dowladda in si rasmi ah looga saaray Magaalada ,dadaal lagu doonayo in uusan markale dagaal ka dhicin magalada Marka.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee ku sugan Marka ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Militariga ay caawa banaanka ka joogaan Magaalada ,balse magalada ay joogaan Ciidamada Booliska.

Goobaha laga saaray Ciidamada Militariga Soomaaliya ee Marka ayaa waxaa lagu badalay Ciidamo AMISOM ah gaar’ahaan kuwa burundi.

Ammaanka ayaa siwayn caawa loo adkeeyay ,iyadoo wadooyinka Magalada marka lagu arkayo Ciidamada Booliska Soomalaiya iyo kuwa Amisom oo xaqiijinaya Amanaka.

Arintan ayaa waxaa ay ka dambaysay kadib markii Jimcihii ay gudaha Magaalada ku dagaalameen Ciidamada kawada tirsan dowlada kuwaasi oo markii dambe dagaalkooda isku badalay mid qabiil

You must be logged in to post a comment Login