Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mas’uul Katirsanaa Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland Oo Gaalkacyo Lagu Dilay.

Xoogag Hubeysan ayaa caawa magaalada Gaalkacyo ku khaarijiyay mas’uul katirsanaa maamulka Puntland ee ka arrimiyo qeybo katirsan gobolka Mudug.

Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaafadda Garsoor lagu khaarijiyay mas’uul katirsanaa wasaaradda ammaanka Puntland wuxuuna si gaar ah u qaabilsanaa agaasinka arrimaha ammaanka Mudug.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay rasaas madaxa kala dhaceen Axmed Maxamed Dhegaweyne kadibna ay ka baxsadeen goobta.

Sarkaalkan caawa ladilay wuxuu maalmihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaqyo ka waday magaalada Gaalkacyo wuxuuna ku howlanaa in masaajidda iyo madaarista culimada wax ka akhriya iyo ardayda iska diiwaan geliyaan taliska PIS-ta.

Maamulka Mudug ee dhanka Mudug ayaa shalay warbaahinta u sheegay in ay adkeeyeen ammaanka waqooyiga Gaalkacyo balse warkaasi ayaa beenoobay wixii ka dambeeyay dhacdadii caawa.

You must be logged in to post a comment Login