Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mas’uul Puntland oo ka noqday Hadal uu horay ugu taageeray Gooni isu taagga Somaliland.

buy depakote online, buy clomid online. Tigey-610x250Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yusuf Tigey oo 17-kii Bishaan barta Face-book uu ke leeyahay ku soo qoray hadalo tageero fiican u Muujinayay in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale kuna gubabiyay in halkaas ay ka sii wadaan ayaa haddana Caawa Shaaciyay in arrintaasi uu ka cudardaranayo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in uu dhinac maray Sharciga iyo Dastuurka Puntland madaama uu yahay Mas’uul xil ka haya Dowladda, waxaana uu qoraalkiisan dambe ku muujiyay in uu garawsaday.

Hadalka Gudoomiyaha ayaa u qorna Sida Hoose:

“Waxaan ka Cudur daaranayaa Raali galinna ka Bixinayaa Hambalyadii 18 may Taasoo aan Garawsaday Inay gaf ku ahayd Dawladnimada Puntland aragtidayda Gaarka ahna Waxaa Dabraya Sharciga iyo Dastuurka Puntland”.

Siduu ahaa Hadalkii hore ee Gudoomiyaha uu taageerada ugu Muujiyay 18 May Maalinta goni isu tagga Somaliland hoos ka daalaco?….

“Waxaan u hambalyayn farxaddana la wadaagayaa walaalaha somaliland 18 may waxand ku bogaadinayaa siday dhulkooda u dhisteen, siday nabadgalyadiisa usugeen, siday umaal gashadeen, siday uhorumariyeen siday soomaalida kale usoo dhoweeyeen gaar ahaan reer awdal iyo jaamacadda CAMUUD oo soomaali oodhan wax ka barato.reer somaliland waxaa kamid ah asxaab aan meelku wada kornay kuwo aanu wax wada baranay kuwo macalimiin iinoqday kuwo madax iinoqday kuwo aan ehel iyo qaraabo nahay farxadoodu waa iifarxad dhibaatadooduna waa ii dhibaato dhanka kale waxay ku noolyihiin caasumaddii labaad ee soomaaliya oo camiran oo amni ah waxaan kula talinlahaa waxaad haysataan caasumaddii labaad ee soomaaliya ciidan qalabaysan dhaqaale iyo kala dambayn hadaba midawgii koonfureed haddii la idinku dulmiyay maanta waad dhaqantihiin xaqna waad u leedihiin inaad soomaali oodhan hogaamisaan wixii la idka dulmiyay qaata wixii horana iska ilaawa soomaaliyana hogaamiya inta hartayna daba qabta cidi idinku qabsanmaysee diyaaradda beerta xorriyadana calankii buluugga ku badala guulaystayaal guulaysta” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Dhabta maxay tahay ?….

Gudoomiye Tigey labadii Cisho ee ugu dambaysay wuxuu ku sugnaa Magaalada Garoowe waxaana warar hoose ay sheegayan in uu u yeeray Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, inkastoo aan la sharixin Sababaha rasmiga ee keenay yeeritanka Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Gobalka Mudug wuxuu dhowaan uu ka qayb galay Xaflad lagu qabtay Garoowe oo ay soo qabanqabisay Wasaradda Arrimaha gudaha taaso lagu cambareynayay Odayal Dhaqan oo Hargaisa ku sheegay inay matalan Dhaqanka Soomaaliyeed isla markana ay aqoonsi buuxa siyeen Somaliland inay ka Go’do Soomaaliya inteeda kale.

Tigey waxaa uu kamid ahaa Dadkii loo xushay in goobta ay ka hadlaan isla markana ku cambareeyan dhacdadas dhacday iyo hadalkii Odayashi Hargaisa ka hadlay.

Raad Raac News ayaa baritaan uu sameyay waxaa uu helay in hadalkiisi hore markii uu soo dabacay Gudoomiye Tigey uu kala kulmay cadaadis uga yimid Dhinacyo badan sida Madaxda dalka ugu saraysay, Siyaasiinta ilaa Shacabka reer Puntland oo ay ula muuqatay hadal Dhiragelin kara goni isu tagga Somaliland.

Sharciyaqanada iyo Dadka indhaindheeya arrimaha Siyasadda Puntland ayaa Comments ama tixracyo ay ka bixiyen hadalkii hore ee Gudoomiyaha Mudug ku tilmaameen mid keeni karay in Gudoomiyaha uu xilkiisa ku waayo madaama isagoo Xil Dowladeed hayo uu Xadgudub ku sameyay Sharciga iyo Dastuurka Puntland u yaala.

You must be logged in to post a comment Login