Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Baraawe oo Xabsiga dhexe loo gudbiyay

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose , ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka ay Jeelka dhigeen Mas’uuliyiin ay kamid ahayeen Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo Taliyayaasha Booliska iyo Milatariga Degmadaasi.

Wararku waxa ay sheegayaan in Seddexdaasi Mas’uul maanta loo soo gudbiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, iyadoona la filaayo in dhawaan lagu maxkamadeyo Maxkamada G/Banaadir.

online tadalafil, online Zoloft.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Seddexdaasi Mas’uul ay Xabsiga ku wehliyaan Labo Nin oo Ganacsatada Degmada Baraawe kamid ahaa oo iyaguna Xabsiga dhexe loo gudbiyay.

Xariga Mas’uuliyiintaani ayaa ka dambeeysay kadib markii lagu helay Eedeymo la xiriira dhoofinta Dhuxul sharci daro aheyd oo laga dhoofiyay Dekadda Macmalka ah ee Baraawe.

Dhanka kale, Xariga Mas’uuliyiintaani ayaa kusoo beegmeysa xili DF Somalia ay si cad u mamnuucday dhoofinta Dhuxusha taala Dekada Baraawe.

You must be logged in to post a comment Login