Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa lagu Ilaawi Karaa Maamulkii Madaxweyne Hasan Sh. Maxamuud?

 

Xisbiga Nabadda iyo Dimoqaraadiyada markii Muqdisho looga dhawaaqay 30-ka Setember 2018 uuna hogaamiye ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaa soo if baxay dad ceebo u raadinaya hogaamiyaha iyo xisbiga uu hogaamiyo. Dadkaan oo weerar afka iyo qoraalo saxaafadda la dhigay ku qaaday Madaxweyne Xasan waxay u badan yihiin taageerayaal Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo cabsi ka qaba miisaanka siyaasadeed ee Xasan Sheekh Maxamuud ku leeyahay Soomaaliya.

Taageerayaal badan ee dowladda iyo dabcan kuwo yar oo fekerka kaga dawanaan kara madaxweynihii hore ayaa ku talaxtegay ceebo sheegga dhabta ka fog. Tusaale waxaan usoo qadan karnaa Mudane Danjire Maxamuud Caalim Bogga Internet-ka ee Axadle Times nuqulkiisii soo baxay 3dii Oktoobar 2018 wuxuu bulshada ku weydiiyey sua��aal ahayd a�?Maxaa lagu xasuustaa hogaamintii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud?a�� Wuxuuna ka hadlay wax badan runt aka fog. Sidoo kale Dirir Abdi Ibrahin ayaa isaguna akhristayaasha ku weydiiyey Bogga Internetk Hiiraan sua��aal taas la mid ah 6-da Octoober 2018. Hadaba haddii aan idiin sheego waxa lagu xasuusan karo Xasan Sheekh shaqsi ahaan iyo ka hogaamiye ahaanba waxa lagu xasuusan karo waxaa ka mid inuu dhisay maamul goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, Koofur-Galbeed iyo intii uusan xukunka degin inuu ku caawinayey bulshada gobolka banaadir siday u yeelan layd maamul danahooda matala. Waxaa kaloo lagu xasuustaa Xasan Sheekh inuu salka u dhigay dowladda hadda ka jirta Soomaaliya, wuxuuna wax weyn ka qabtay siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka, dowladdiisuna waxay ahayd mid awoodaheeda sharci dejinta, garsoorka iyo xukuumaddu ay kala madax banaan yihiin meesha ay hadda dalka ka xukunto dowlad hal guri laga maamulo.

Dirir wuxuu ka hadlay in Xasan ku tagrifalay hanti qaran oo uusan faahfaahin siday ku dhacday iyo in Madaxweyne Xasan uusan xushmayn madaxda dhaqanka ee deegaanka Hiiraan. Waxaan qabaa in qoruhu uu labadaanba uusan run ka sheegin. Waa tan koobaade xiligii Xasan Sheekh madaxweynaha ahaa dallabaatan sano burbursanaa ayaa dowlad loo dhisayey, mana aysan jirin canshuur dalka laga ururiyo iyo daqli ka yimaad kaabayaasha dhaqaalaha, markaas sua��aasha isweydiinta lihi waxay tahay halkee ayey ka timid hantida qaran ee Madaxweyne Xasan lagu eedeeyey. Tan ku saabsan odayaasha dhaqanka hiiraan waxay Xasan isku arkeen waa maamul u samaynta deegaankooda wuxuuna kala hadlay danaha bulshadooda oo qura wuxuuna ku ekaa kaalmayn danooda.

Waxaa kaloo wax qabadkiisa ka mid ahaa intuusan madaxweynaha noqon inuu dalka ka hirgeliyey ururo samafal iyo kuwo waxbarasho oo bulshadu ka faaa��iideysatay. Intaas haddaan uga gudbo waxa lagu xasuusan karo maamulkii Xasan Sheekh, sua��aasha taagani waxay tahay a�?Maxaa lagu ilaabi karaa Maamulkiisii.a�� Maamulkii Xasan Sheekh waxaa lagu ilaabi karaa dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ku fashilantay amaanka caasimadda, isla markaana ah kalitalis taag daran oo awoodihii haya��adaha garsoorka iyo sharci-dejinta hoos geysay xukuumadda si aysan ula xisaabtamin. Maamulkii Xasan Sheekh ma waxaa lagu hilmaami karaa dowladda hadda jirta ee caburisa xoriyadda qowlka ee mucaaradka iyo saxaafadda. Ma waxaa lagu ilaabi karaa maamulkii Xasan Sheekh dowlad qalqalka ku riday dowlad goboleedyadii dhibka laga soo maray dhisiddooda, lana xaajoonweyday reer waqooyiga doonaya gooni isku-taagga haddii aysan soo bixin wax kale oo ay ku qanci karaan.

Waxaa intaas dheer ma waxaa dowladdii Xasan lagu ilaabi karaa dowladda dowladda la gashay dowlada Ethiopia heshiiskii guracnaa ee ahaa is dhexgal siyaasadeed iyo bulsho oo dhex marara labada dal oo danahoodu lidi isku yihiin iyo in Ethiopia ka furato qusuliyado magaalo kasta oo weyn oo dalka ku taal, iyo weliba inay maamusho seddex dekedood oo Soomaalidu leedahay.

W/Q Cumar Diini Cialis Jelly buy online, cheap zithromax. buy Gold Vigra, cheap Zoloft. Cialis Professional online, order Zoloft sildenafil withoutprescription, zithromax without prescription. .

You must be logged in to post a comment Login