Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa looga Hadlayaa Kulanka Baarlamaanka?

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaan uu yahay mid maanta looga hadli doono arimo ku aadan Sharciyadda Hanti Dhowrka oo Akhrintiisa Sedaax geli doona iyo sidoo kale xeerka doorashooyinka.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Labadaasi Xeer ay Mari doonaan Akhrintooda Sedaxaad, islamarkaana la filayo in sidii loogu tala galay uu kulanka ugu soo gaba gaboobo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu xildhibaanada horay uga dalbaday in kalafadhigaan Baarlamaanka lagu meel mariyo Labadaan Sharci oo muhiim ah, maadaama 2016 waqti kooban uu ka haray.

Amaanka guud ee wadooyinka gala xarunta golaha shacabka ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinkaasi lagu arkayaa ciidamada amaanka. Viagra Plus buy online, zithromax reviews.

You must be logged in to post a comment Login