Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa maanta ka dhacay xaafaddaha ku dhow VILLA SOMALIA? (Warbixin)

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in ay arkeen ciidamo fara badan oo lagu soo daadiyay xaafadahooda kuwaasoo baarayay guryaha.

Xog badan lagama hayo howgallada maanta ka dhacay xaafadaha ku teedsan xarunta Villa Somalia.

Dhinaca kale, waxaa la arkayay ciidamo fara badan oo la dhigay isgosyada laga soo galo Muqdisho sidda Ex Control Afgooye iyo kan Balcad.

Ciidamada ayaa baarayay gaadidka iyo dad weynaha la socda qaar ka mid ah, sidda ay lee yihiin dad soo arkay arrintaas.

Ma cadda howgalladan ka billowday Muqdisho balse waxaa sheegis mudan in xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM uu shaley soo saaray digniin cusub oo ku aadan weerarro Shababa ay ka geestaan Muqdisho 48-ka saac ee soo socda.

UNSOM ayaa digniintaas u dirtay dhammaan shaqaalaha QM ee ku sugan Muqdisho iyo sidoo kale laamaha ammaanka dowladda.

SomaliMedia

Xafiiska Wararka Muqdisho

info@somalimedia.co.uk

You must be logged in to post a comment Login