Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa Sababay in Somaliland ay si fudud ula wareegto Degmada Taariikhiga ah ee Taleex

Xaruntii fadhiga u ahayd Maamulka Khaatumo Satate of Somalia ee Taleex 12-kii bishaan June waxaa si sahlan oo aan dagaal ahayn kula wareegay Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland, waxaana la wareegitaanka Somaliland ka hor Degmada Taleex ka socday Shir loogu magac daray Khaatumo 3 oo dadka Deegaanka iyo Siyaasiyiin Xildhibaan Cali Khaliif Galayr uu ka mid yahay ay aayahooda uga tashanayeen.

Ciidamada Somaliland oo ay hogaaminayaan Saraakiil Deegaanka Taleex u dhalatay ayaa la wareegay Degmada Taleex iyadoo saacado ka hor ay iskaga baxeen Siyaasiyiintii iyo madaxdii maamulka Khaatumo state.

Xog uu helay Allpuntland ayaa sheegaysa in la wareegitaanka Ciidamada Somaliland iyagoon wax iska caabbin ah la kulmin ay sahashay iyadoo maalmo ka hor Madaxweynaha ka haray Labadii Madaxweyne ee Puntland Wasiirada ka ah Maxamed Yuusuf Indhasheel uu kala diray Maleeshiyaadkii Awal Ciidan ahaanta ugu magacownaa Maamulkaasi ka dib markii ay waayeen Mushaaraadkii ay qaadan jireen oo awal laga bixin jiray dhinaca dibadda.

Ciidamada Somaliland ayaa si kalsooni leh kusoo wajahay Degmada Taleex ka dib markii ay heleen xogta ah in Ciidamadii Maamulka Khaatumo oo aan awalna badnayn la kala diray, islamarkaasina uu taleex ka soconayo Shirka Khaatumo 3.

Xildhibaan Proff Cali Khaliif Galayr oo door weyn ku lahaa Siyaasaddii lagu aas aasay maamulka Khaatumo hadana ku sugnaa Degmada Taleex iyo Madaxweynaha haatan Khaatumo ku soo haray ee Maxamed Yuusuf Indhasheel iyo Siyaasiyiin kale ayaa wararku sheegayaan in ay u baxsadeen dhinaca Deegaanka Saax dheer, halkaasi oo Maalintii shalay ahayd Ciidamada Somaliland ay uga daba tageen, ka dibna waxaa wararku sheegayaan in ay ka gudbeen xadka Dowlad deegaanka Ethiopia.

Ugu dambayntii la wareegitaanka Somaliland ee Degmada Taleex ayaa waxaa si kulul uga hadashay Dowladda Puntland, oo sheegtay in Somaliland ay waddo daagsi iyo dhul ballaarsi haddii ay joojin waydana in Puntland ay dhulkeeda difaacan doonto.
buy clomid online, purchase zithromax.

You must be logged in to post a comment Login